Xuquuqda Aadamaha oo si Ficil ah loo Qabto Waxay Keenaysaa in Carruurtu Hesho Hoygooda.

 
 
 
 

Waa Abdihakin oo 13 jir ah ka dib markii ay ka soo daysay jeelka Xarunta Difaacida Sharci ee Carruurta.

YAANU NAHAY

Xarunta Difaacida Sharci ee Carruurta waa urur aan macaash doon ahayn oo kaalmo sharci bixiya, fadhigiisuna yahay Hargeisa, Somaliland kaasi oo difaaca caruurta loo xidho si khaldan oo aan cadaalad ahayn.

MAXAANU QABANAA

Waxaan fulinaa sharciga degsan oo waxaanu ka dhigaynaa illaalintiisa mid xaqiiqo ah, anagoo bixinayna adeeg kaalmo sharci iyo difaaca dacwadaha ciqaabta ee caruurta xidhan iyo eheladooda.

 

SIDEEN U QABANAA

Waxaan caawinaa macmiishayada iyo eheladiisa inay ogaadaan sharciga, sida ee ugu dabaqi karaan xaaladooda iyo waxaan kala shaqayna sida ee ugu adeegsan lahaayeen dacwadahooga. Arrinkani kuma saabsana oo kaliya in dadka la barayo xuquuqdooda. Waxay ku saabsan tahay in lala shaqeeyo kuwa tacadiyadu ku dhacaan ama la faquuqo sida caruurta lagu eedeeyo dambiyada lana hubiyo in ay helaan illaalinta sharciga.

 

MAXAAN U SAMAYNAYNAA

Difaacida caruurtu waxay ka caawinaysaa caruurta in ay ka soo baxaan xabsiga ama saldhiga kuna noqdaan guriga ay ka tirsanaayeen. Waxay la dagaalamaysaa faqriga iyada oo u ogolaanaysa caruurta in ay dib ugu noqdaan iskuulka si ay bari u noqdaan dad wax soosaar ku dhex leh bulshada dhexdeeda. Waxa ay kor u qaadaysaa xuquuqda aadanaha inaga oo xaqiijinayna in dadka jilicsani ay ku raaxaystaan illaalin sharci oo dhamaystiran. Waana arrin sax ah oo u baahan in la qabto.